Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta iska casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee loo soo gaabiyo JSP iyo ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedayda ee Xisbigaasi.
Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi oo akhriyay war ka soo baxay Madaxtooyada Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in uu qaatay go’aankaas kuna dhaqaaqay islamaanta sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynaha DG Koofur Galbeed oo xubin ka ahaa Xisbiga CCaddaaladda iyo wadajirka (JSP) Ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad-Goboleedyada waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu iska casilay xilkaas” Ayuu yiri Afhayeenka.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeysa DFS iyo Koofur Galbeed ayaa sii xoogeystay, iyadoo markan dhinacyada dagaalkooda uu gaaaray hawada.


