Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la filayaa in uu maanta gaaro magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo in muddo ah ay taallay gogol nabadeed.
Madaxweynaha waxa safarkiisan ku wehelin doono qaar ka md ah odayaasha dhaqanka oo ee goballada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa furi doona shirka nabadeynta Ceerigaabo, taas oo la doonayo in la isugu keeno dadka deegaankaas, isla markaana ay ka wada hadlaan sidii loo soo af-jari lahaa colaadda magaalada Ceerigaabo horaantii sanadkan 2025-ka.
Maalmihii u dambeeyay, waxaa halkaas ku qulqulayay wufuud kala duwan oo doonaya inay shirkaas ka qeyb galaan.
Wasiirka wasaaradda jidadka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland, Cismaan Af-gaab, waxaa madaxweynaha sidoo kale safarka ku wehlin doonaa salaadiin kala duwan oo kamid ah kuwa Somaliland, kuwaas oo iyagana qeyb ka ah gogosha nabadda ee uu madaxweynaha dhigay.