Thursday, June 25, 2026

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ay xalay howlgal qorshaysan oo ay wada fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ay ka gaysteen deegaanka Kuukaayle ee hoostagta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ilaa 7 xubnood oo Alshabaab ah ayay sheegtay inay ku dileen howlgalkaasi, ayna ku burburiyeen howlgalkaasi gaadiiid iyo teendhooyin gabbaad u ahaa kooxdaasi.

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, October 21, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka waxaa lagu dilay Toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambeyna beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Maleeshiyaadka ay abaabulayeen.

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaad Khawaarijta ah, oo watay gaadiid dagaal, ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaana suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles