Wednesday, March 18, 2026

MW Xasan Sheekh oo gaaray degmada Cadala iyo Abaabul dagaal oo ka socda G/Sh/Dhexe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxdweyne Xasan Sheekh ayaa safar uu Muqdisho kaga ambabaxay ku gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka uu madaxweynaha ka tagay degmada Cadala ayaa ah, siddi loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabelle.

Masuuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyey degmada Cadale madaxweyne Xasan,Waxaana ka mid ah masuuliyiinta soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo masuuliyiin horay ugu sugnaa degmada Cadale.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ay degmada Cadale waxaa uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyey guriga martida ee magaalo xeebeedka Cadale waxaana halkaasi kulan gaar ah ku qaatay labada madaxweyne oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Lugta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray dardargelinta howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle.

“Madaxweyne, Hirshabeelle waa halka lagu soo xiri doono dagaalka Khawaarijta maanta gabogabo ayuu marayaa.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles