MW Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo iyo Wadahadalo u bilowday isaga iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeelanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Safarka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli labada dhinac uu horey uga dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, kaas oo salka ku hayay arrimaha Guddiga Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka, una sii gudbay eedeymo iyo gacan ka hadal siyaasadeed oo hore u kala fogeeyay labada hoggaamiye.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid go’aan qaadasho ah, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wafdi diblomaasiyadeed oo ka socda dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin dhexdhexaadinta iyo dejinta xiisadda labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan wafdiga Kenya ayaa sheegay in Taliyaha Sirdoonka Qaranka Kenya, Nuuradiin Xaaji, uu kamid yahay xubnaha goob-joogga ka ah wada-hadallada.

Tan iyo markii ay labada hoggaamiye ku kala tageen shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee October 2024, tani waa markii ugu horreysay ee ay si fool-ka-fool ah u kulmaan.

Illaa hadda lama oga natiijada rasmiga ah ee ka soo bixi doonta wada-hadallada, balse cadaadis xooggan ayaa saaran labada dhinac si ay u gaaraan is-afgarad siyaasadeed oo dalka u horseeda xasillooni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles