Tuesday, April 14, 2026

Dowladda Soomaaliya oo bilowday baaris ku aadan cidda fududeysay weerarkii Xabsiga Godka Jilacow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo sida uu u dhacay weerarkii qaraxa ku billowday ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaaday xarunta Godka Jilacow, taas oo ah xarun hoos timaadda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), laguna baaro xubnaha kooxdaas ee gacanta lagu soo dhigo ama lagu tuhmo.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ragga weerarka fuliyay ay wateen gaari iyo darees si buuxda ugu ekaa kuwa ciidamada dowladda, taas oo sahashay inay si fudud ugu soo dhowaadaan xarunta amniga ugu adag dalka.

Baaritaanka ay hay’adaha amniga wadaan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo weli su’aalo badan laga qabo, oo ay ka mid yihiin:

Cidda fududeysay in kooxdu hesho dharka ciidamada dowladda iyo gaariga loo midab ekeysiiyay gaadiidka rasmiga ah.

Goobta lagu diyaariyay qaraxyada iyo cidda bixisay xogta gudaha xarunta ee u sahlay in weerarka la qorsheeyo.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, kaas oo socday saacado badan, iyo xaqiiqada tirada Sax ah ee maleeshiyada weerartay Xabsiga, maadaama warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan.

Iyo sida koox hubeysan ugu suuragashay inay weerarto xarun amni oo si gaar ah loo ilaaliyo, oo bartamaha caasimadda ku taalla?

Weerarka Godka Jilicow ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay shalay dib u furtay 52 oo kamid ah jidadka caasimadda, waxaana lays weydiiyay waxa isku soo aadiyay furista waddooyinka iyo weerarka Al-shabaab ay ku qaaday Xabsiga Godka Jilicow.

Sanadkan 2025 waa Weerarkii ugu horeeyay Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, oo muddo sanado ka caaganeed weeraradan sidan oo kale.

Godka Jilacow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu amniga adag magaalada Muqdisho, Horey uma dhicin in Shabaabku gudaha u galaan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan...

RW Xamsa “Dal ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Golaha Mustaqbalka oo ka digay siyaasad loo adeegsado ciidanka Qaranka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku...

Ciidankii Lafta gareen ee xoogga looga saaray Baydhabo oo la xaliyay

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed...

Iran oo ka hadashay qorshaha Mareykanka ee Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in go’adoominta marin-biyoodka Hormuz ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles