MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles