RW Xamsa muxuu ka yiri doorashada maanta ka dhacday Waqooyi Bari?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Laasacanood.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorashadani ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran, isaga oo tilmaamay in qabsoomidda doorashadan ay xoojinayso dowladnimada, ayna muhiim u tahay adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaateen Xildhibaannada iyo shacabka Waqooyi Bari doorashadan dimuqraadiga ah, ayaa u rajeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in ay noqdaan hoggaan ka shaqeeya midnimada bulshada, wadajirka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles