Sunday, August 31, 2025

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay hoggaanka ururada Siyaasadeed ee isku diiwaan geliyay doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka goโ€™an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo goโ€™aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles