Sunday, March 1, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda Ururada Siyaasada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, Madaxda Ururrada siyaasadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay, Ra’iisulwasaare Kuxigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane C/xakiim Maxamed Yuusuf.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles