MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaasi oo magaalada Muqdisho uga qayb galay shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Kulankan oo uu goobjoog ahaa Danjiraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo wafdiga Talyaaniga ay ka mid ahaayeen maamulayaasha shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ganacsatada ku bogaadiyey booqashadooda dalka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga caalamiga ah, isaga oo ku boorriyey in ay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee uu siiyay, iyaga oo muujiyay sida ay u daneynayaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

WARARKII KALE

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Iran oo ka wadahadlay arrinta Badda Cas

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadahadallo la yeeshay...

CiidankaYemen ayaa sheegtay inay khasaare culus gaarsiiyeen ku gaasiiyeen Xuutiyiinta Makha iyo Dhabab

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee dowladda Yemen...

Duqeymo ka Dhacay Gobolada Sh/Hoose iyo Jubbada dhexe

Sida ay sheegayaan Wararka duqeymo is xig xigay ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles