Wednesday, March 4, 2026

MW Xasan Sheekh oo tagay Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo muddo ka badan 40 sanno gaaray magaalada Laascaanood , ee caasimadda Waqooyi Bari, iyadoo sidoo kale uu horey halkaasi u gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo badi golihiisa wasiirada ee xukuumadda.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la ciir-ciiraysa wufuud isugu jirta madax ka socota dowladda federaalka ah, madax dhaqameed iyo dadyow kale oo dhamaantood ka qayb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa la doortay shan bilood ka hor, waxaana muddo la sugayay tagitaanka madaxweyne Xasan ee Laascaanood.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo bandow lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shacabla ee magaalada Laascaanood.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles