Bandow lagu soo rogay Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda xayiray isku socodka gaadiidka magaalada Laascaanood, sida uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Diiriye.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Laascaanood ku soo qulqulayay wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ahaa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka degaya magaalada Laascaanood, iyada oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay ka qaybgalayaan munaaasabad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, taas oo qorshuhu yahay in ay dhacdo maalinta sabtida ee berri.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles