Tuesday, April 28, 2026

Somaliland oo ka digtay in colaad hor leh laga abuuro deegaanadeeda

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga digay cid kasta oo colaad iyo gardarro ku soo qaadaya Somaliland, isaga oo xusay in taariikhda halgankii Somaliland looga soo joogay in aan Soomaaliland lagu wiiqi karin xoog iyo hanjabaad ciidan.

Afhayeen Deyr wuxuu tibaaxay in shacabka Somaliland, iyagoo hore ku jiray duruufo aad u adag, ay ka adkaadeen cadow ka awood badnaa, kuna xoreeyeen deegaanadooda naf-hur iyo halgan dheer.

Afhayeenka ayaa wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) “waxaanu ku dooday in Somaliland maanta tahay qaran leh awood ciidan, shacab middeysan oo gudaha iyo dibaddaba u heellan difaaca dalkooda, miisaan juqraafiyeed oo istiraatiiji ah, awood dhaqaale oo sii kobcaysa, iyo saaxiibbo caalami ah.”

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay Somaliland gardarro ku soo doonto ay wajahi doonto cawaaqib halis ah, isaga oo xusay in Somaliland tahay qaran ka badbaaday dabar-goyn, xorriyaddiisana ku kasbaday naf-hur, isla markaana maanta u taagan difaaca jiritaankiisa, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles