Wednesday, June 24, 2026

RW Xamsa iyo wafuud kale oo maanta tagaya Laascaanood

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, uu gaaro wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, kadib markii uu shalay ka soo laabtay dalka Turkiga.

Magaalada Laascaanood ayaa horey u gaaray masuuliyiin kala duwan oo isugu jira wasiirro, xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo ah horudhac u ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo shalay gaaray magaaladaasi.

Wafdiga gaaray Laascaanood waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, oo ay ku jiraan Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano). Masuuliyiintan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Axmed Firdhiye, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay Laascaanood, halkaas oo uu hoggaamin doono munaasabado muhiim ah.

Amniga guud ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta gaareen Laascaanood. Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kuwa deegaanka ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda ammaanka.

Masuuliyiinta haatan ku sugan magaalada iyo kuwa maalmaha soo socda imaan doona ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdikariin Firdhiye, iyo ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid, kuwaas oo la doortay 30-kii August 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa booqashada Laascaanood, maadaama ay tahay magaalo astaan u ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey Laascaanood ugu tilmaamay “xuddunta midnimada Soomaaliya”, isagoo caddeeyay in booqashooyinka hoggaanka qaranku ay farriin cad u dirayaan cid kasta oo ku fakaraysa kala-qaybin.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee Laascaanood ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago magaalada, kaddib booqashadii 12-kii Abriil 2025 oo loogu magac daray “Safarkii Wadajirka, Nabadda iyo Midnimada”. Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa noqonaya Ra’iisul Wasarihii ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee laba mar oo isku xigta booqda Laascaanood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles