MW Xasan Sheekh oo tagay Qatar iyo ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa, caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu ku tegay booqasho shaqo oo rasmi ah.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay dalka Qatar uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in safarka Madaxweynaha uu qeyb ka yahay booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, loona horumariyo danaha qaranka.

Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in booqashadani ay sidoo kale xooga saarayso taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkan ayaa la filayaa in uu furo fursado cusub oo iskaashi iyo taageero ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib-u-habeyn iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles