Thursday, March 12, 2026

MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan.

“Xuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay xoojinta midnimada dalka, dib u heshiisiinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo walaalaha Somaliland.

“Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan, loogana wada shaqeeyo xal u helidda arrimaha taagan, si aynu u xaqiijino dareenkeenna walaaltinimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shacabka ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaalka ay ugu jirto sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta iyo gaarsiinta dalka doorasho toos ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles