Thursday, September 4, 2025

MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan.

“Xuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay xoojinta midnimada dalka, dib u heshiisiinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo walaalaha Somaliland.

“Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan, loogana wada shaqeeyo xal u helidda arrimaha taagan, si aynu u xaqiijino dareenkeenna walaaltinimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shacabka ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaalka ay ugu jirto sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta iyo gaarsiinta dalka doorasho toos ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane...

SODMA oo qabatay Wajiga Afraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka...

Booliska DG Waqooyi Bari oo baadi goobaya rag falal amni darro geystay

Ciidamada Booliiska Dowladda Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa 24-kii saacadood...

Ganacsade Jabuutaawi oo xabsiga la dhigay

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii...

Kenya oo iska fogeysay in Askar ka tirsan Jubbaland ay ku sugan yihiin Gudaha Mandhera

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in ciidamo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles