Netanyahu “Falastiiniyiintu weligood ma yeelan doonaan dowlad”

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ee Falastiin u aqoonsaday inay ammaanayaan argagixisada.

Wuxuu sheegay in Falastiiniyiintu aysan waligood yeelan doonin dowlad, Israa’iilna ay ka jawaabi doonto ku dhawaaqista ay sameeyeen Britain, Canada, Australia iyo Portugal.

Waddamo kale oo uu Faransiisku ka mid yahay ayaa la filayaa in toddobaadkan ay ku daydaan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in aqoonsiga Falastiin uu yahay tallaabo loo qaaday nabad waarta oo gobolka ah.

Mareykanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid soo jiidasho leh. 71 kale oo Falastiini ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Qasa Axaddii.

Go’aanka afar waddan oo reer galbeedka ah oo dhaqan ahaan isbahaysi la ahaa Israa’iil ayaa waxa ay ku midoobeen in ka badan 140 dal oo kale oo iyaguna taageera qaddiyadda Falastiin si ay u abuuraan dawlad ka madax banaan dhulka la haysto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles