Monday, September 1, 2025

NISA oo war ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno Al-shabaab ee ku sugnaa G/Sh/Dhexe

War ka soo baxay Ciidamada NISA ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xoogga ay howlgal duqeyn ah lagu dilay xubno ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

โ€œHowlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Ma jiro ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka soo ka soo baxay taliska Hayโ€™adda Nabad sugida Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kordhay duqeymaha ay Dowladda Soomaaliya la beegsanayso Maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii ay kooxdu soo qaaday weerarro is-dabajoog ah.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamadii ugu badnaa ay ku sugan yihiin gobolkaasi, waxaana la filayaa in dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay bilowday howlgalka wejigiisa labaad, kaasi oo Al-shabaab looga saaarayo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles