Friday, November 7, 2025

Trump oo afur ku casumay muslimiintii taageertay doorashadiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u mahadceliyay sida uu sheegay “kumannaan iyo kumannaan” Muslimiin Ameerikaan ah oo taageero u muujiyay tartankii madaxweynanimada ee 2024.

Trump ayaa markii kowaad ee muddo xileedkiisa labaad waxa uu martiqaad afur ah Aqalka Cad ugu sameeyay dad Muslimiin ah.

Madaxweynaha marka labaad la doortay ayaa bulshada Muslinka ah u sheegay in uu qaddarin weyn uga hayo doorashadii dhacday kal hore, sida ay sheegtay Wakaaladda Anadolu Ajansi (AA).

“Innaga oo xushmaynaya bisha barakeysan ee Ramadaanka, ii oggolaada in aan ka bilaabo saaxiibadeenna Muslimiinta ah – Waxa caawa halka in la jooga qaar badan, waxaana u malaynayaa in meelo kale oo caalamka ahna aan ku leenahay saaxiibbo badan, iyada oo lagu salaynayo natiijooyinkii gobolka Michigan iyo meelo kale, ayuu yidhi Trump.”

“Waxaan kaliya doonayaa in aan salaamo dadka sida xooggan noogu taageeray doorashada. Ramadan Mubaarak,” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay munaasiabddan cashada ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uu ku hawlan yahay hirgelinta nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe, iyo Axdiga Ibraahiimiyada (Abraham Accord) oo uu ku sheegay mid macquul ah oo dad badan ay soo dhaweeyeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles