Putin oo soo jeediyey in dawlad KMG ah loo sameeyo Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay suurtogalnimada in la sameeyo dawlad ku meel gaadh ah oo laga sameeyo dalka Ukrayn, iyada oo loo marayo kormeerka Qaramada Midoobay.

Putin oo ka hadlayay magaalada ku taalla waqooyi-galbeed ee Murmansk, ayaa sheegay in “maamul cusub oo ku meel gaadhka ah oo laga sameeyo Ukrayn ” uu qaban doono doorashooyin si loo doorto dawlad cusub oo dib u bilaabi karta wadahadallo nabadeed.

Waxa uu ku dooday in ciidammada Ruushka ay hayaan waxa uu ugu yeedhay “hal-abuurka istiraatiijiyadeed” ee furimaha hore ee dagaalka ee Ukrayn, isla markaana ay “dhammayn karaan.”

Dhanka kale, afhayeen ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa u sheegay Reuters in maamulka Ukrayn looga baahan yahay in ay ilaaliso dastuurka iyo shacabka dalkaas.

Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyayaasha Yurub ay shalay ku kulmeen Paris si ay uga wada hadlaan arrimaha Ukrayn, kulan uu qayb ka ahaa Madaxweynaha Volodymyr Zelensky.

Zelensky ayaa sheegay in qof walba oo ka qayb galay kulankaasi uu garowsaday “in Ruushku aanu oggolayn hannaan kasta oo nabad ah” taasi beddelkeedana uu “dagaalka sii dheeraynayo,” isagoo intaas ku daray in ay ka wada hadli doonaan dammaanad-qaadyada amniga maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles