Howlgal iyo duqeymo ka socda G/Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya G/Sh/Hoose ayaa sheegaya in saaka  duqeymo iyo howlgallo culus ay ka socdaan, Kaasi oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ka tirsan gobolkaasi.

Deegaanada howlgalka ka socda ayaa waxaa ka mid ah Sabiid iyo Caanooole, maadaama maalmo ka hor ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanadaasi, kadib markii ay ciidamada dowladda ay isaga soo baxeen deegaanadaasi.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan taliyaha ciidamada xoogga uu amar ku bixiyay in ciidamada ay dib ugu laabtaan deegaanada ay ka soo ka soo baxeen.

Duqeymahaan ayaa yimid xilli xubno Al-shabaab ay isku uruursanayeen bannaanka deegaannadaas sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo howlgalada ka socda deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Sabiid iyo Caanoole.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga ay gudaha u galeen deegaanka Sabiid iyo Canoole, islamarkaana weli uu socda howlgalka iyo duqeymaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles