Tuesday, March 3, 2026

Oday lagu dilay Beledxaawo iyo amni darro xooggan oo ka jirta degmada

Koox hubeysan ayaa xalay degmada Beledxaawo ku dishay Sheekh Maxamuud Maxamed, oo si weyn loogu yaqaanay magaalada Beledxaawo.

Marxuumka ayaa ahaa shaqsi caan ka ahaa baraha bulshada, isagoo si joogto ah uga hadli jiray xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee magaalada Beledxaawo, isagoo falanqeyn ka bixin jiray arrimaha siyaasadeed iyo dagaallada ka dhacay magaalada.

Magaalada Beledxaawo ayaa muddo shan bilood ku wajahaysa Dagaallo, dilal qabiil, iyo weeraro argagixiso ayaa si joogto ah uga dhacaya magaalada, iyada oo dadka shacabka ah ay la tacaalayaan amni darrada.

Magaalada Beledxaawo waxay ka mid tahay meelaha ugu amni darran ee Gedo, iyadoo ay jirto xaalad adag oo ku saabsan xoojinta ciidanka, si looga hortago argagixisada iyo dilalka

Magaalada Beledxaawo ayaa u baahan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyso saraakiisha iyo amniga magaalada.

Shacabka Beledxaawo waxay ku jiraan xaalad adag, waxayna u baahan yihiin taageero iyo xal degdeg ah oo amni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles