Trump oo hanjabaad u diray haweeneyda hoggaamiyaha ka noqotay Venezuela

Donald Trump ayaa uga digay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela, Delcy Rodríguez, inay “in ay la kulmi karto wax ka weyn u wixii Maduro la kulmay” haddii aysan “samayn waxa saxda ah.”

Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska Mareykanka ee The Atlantic, xilli madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Nicolás Maduro, la filayo in Isniinta maanta ah uu ka soo hormuuqdo maxkamad ku taalla New York.

Mareykanka ayaa Maduro ku eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada iyo hubka, isla markaana ku tilmaamay nidaamkiisa “mid argagixiso,” eedeymahaas oo isagu uu beeniyay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku adkeystay in Mareykanku uusan dagaal kula jirin Venezuela, kaddib weerarro cirka ah oo Sabtidii ka dhacay Caracas, kuwaas oo sababay in Maduro iyo xaaskiisa la xiro lana geeyo Mareykanka.

Dunida ayaa tallaabadn uga falcelisay cambaareyn iyo baaq ay u direen Trump oo ku saabsan in uu sii daayo Maduro.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles