Wednesday, February 25, 2026

Pakistan oo lagu eedeeyay in ay duqeysay caasimada Afqanistan ee Kabul

Wasaaradda Difaaca ee Afgaanistaan ​​ayaa Pakistan ku eedeysay in ay ku soo xadgudubtay hawadeeda, islamarkaana ay duqeymo cirka ah ka geysatay labo goob oo ay ku jirto Kabul.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan oo lagu daabacay barta bulshada ee ‘X’ ayaa lagu sheegay in Pakistan ay mar kale ku soo xadgudubtay hawada dalka Afgaanistaan, ayna duqeysay suuq ku yaalla gobolka Paktika oo u dhow magaalada Kabul iyo Durand Line.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii khamiista iyo habeenkii jimcaha ay soo shaac baxeen baraha bulshada ee Pakistan iyo Afgaanistaan ​​warar sheegaya in Pakistan ay duqaymo cirka ah la beegsatay goobo kala duwan oo ku yaala caasimadda Afgaanistaan ​​ee Kabul.

Ma jiro wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay dowladda Pakistan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles