Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in magaalada Garowe laga hirgelinayo nidaam kaamirooyin CCTV ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga.
Madaxweyne ku-xigeenku ayaa tilmaamay in muhiimad weyn loo arkay kaddib markii kaamirooyinku gacan ka geysteen qabashada dad loo haysto dambiyo culus oo ay kamid yihiin kufsi iyo dil, iyadoo la adeegsanayo muuqaallo ay duubeen kaamirooyinkaas.
“Waxaan amarnay in Hay’adaha dowladda, goobaha ganacsiga iyo waddooyinka muhiimka ah dhammaan lageliyo Camerooyinka, si ay u caawiyaan Hay’adaha kala duwan ee ammaanka”, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay maamulka degmada Garoowe inuu qaar kamid ah waddooyinka ku xiray Cameradaha ammaanka oo lagu soo helay xogta laba kays oo magaalada ka dhacay bilihii ugu dambeeyey.
“Waxaa markhaanti ka tihiin in labadii kiis ee ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada oo dil iyo kufsi ahaa raadkooda laga soo helay cameradaha lagu xiray waddooyin iyo goobo ganacsi”, Ayuu yiri Markale Madaxweyne Lugatoor.