Saturday, August 8, 2026

Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sabiib ee G/Sh/Hoose

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorshaysan oo ay ku beegsadeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu weeraray goobo lagu tuhunsanaa in ay saldhig u ahaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen godod ay kooxdaasi si qarsoodi ah ugu dhex jireen. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in duqeymo xooggan oo cirka ah lagu garaacay bartilmaameedyo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay agab ciidan iyo xarumo istaraatiiji ah oo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles