Aqalka Cad ee Mareykanka oo baahiyay muuqaal muujinaya duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya

Bogagga Aqalka Cad ee Mareykanka ku leeyahay Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal muujinaya duqeyn milatari oo ay shalay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo ka dhacay Soomaaliya.

Muuqaal-ga kooban ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ka dhacay gudaha Soomaaliya, laguna dilay 10 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Daacish. Iyadoo tirada aragagixsada la dilay ka dhigeysa 100.

Muuqaalka la baahiyay ayaa muujinaya duqeynta oo si toos ah loo bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxaha Daacish, iyadoo aan la bixin faahfaahin intaas dheer sida goobta la beegsaday, diyaaradaha la adeegsaday iwm.

Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay duqeymo ka fulinayay Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, waxaa ayna Mareykankan duqeyntan kala shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaalia

15-kii bishan ciidamada Puntland ayaa dilay xubin Sare oo Daacish, kaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Muuse Sacid, sidaas oo kale labo howgal oo dhacay ayaa qiimeyntooda khasaaraha aan wali la shaacin, kuwaas oo la aaminsan yahay in xubno sare oo Daacish ah lagu dilay.

Howlgallada Mareykanka ayaa iskugu jira duqeymo cirka ah iyo taageero istiraatiiji ah oo la siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Puntland.

Shaacinta muuqaalka weerarka ayaa muujineysa farriin cad oo Mareykanka u dirayo kooxaha argagixisada, iyadoo Mareykanku uu sare u qaadayo dadaalladiisa lagu sugayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Weerarkan cusub ayaa imanaya xilli dagaallo xooggan ay ka socdaan qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Hirshabelle, halkaas oo ciidamada dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah ay ku wadaan howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles