Saturday, August 15, 2026

Puntland oo Boosaaso ka wada howlgallo culus oo ka dhan ah Daacish

Howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa ka billowday magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland, iyadoo xoogga la saarayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xalay ilaa saaka, ciidamada amniga gobolka Bari ayaa xaafadaha kala duwan ee Boosaaso ka sameeyay baaritaanno ballaaran oo lagu baadi goobayo xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay galeen xaafado dhowr ah, halkaas oo ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin falal amni-darro oo magaalada ka dhacay.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa xaqiijiyay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka lagu hayo gacanta hay’adaha baarista gobolka Bari, si loo hubiyo kiiskooda. Waxay sheegeen in haddii dembi lagu helo eedeysanayaasha, loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ciidamada amnigu ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan nabadgelyada magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Ciidamada gobolka Bari ayaa sidoo kale dagaal ba’an kula jira kooxda Daacish oo ay kula dagaallamayaan buuraha Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan lagu baacsanayo cid kasta oo ku lug leh amni-darrada, isla markaana loo diyaarsan yahay in magaalada laga ciribtiro falalka qalalaasaha ah.

Howlgallada ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la adkeynayo ammaanka guud ee magaalada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo codsi u diray maxkamada sare ee Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray   Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Xasan Sheekh“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda...

Puntland oo DF ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles