Wednesday, March 4, 2026

Puntland oo DF ku eedeysay in hub ay geysay Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gudaha gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka, kuwaas oo aan lagala tashan Maamulka Gobolka ama aan dan u ahayn guud ahaan xasilloonida Gobolka

“Gobolka waxa uu leeyahay nidaam maamul.iyo kala dambayn, waxaana naga go’an ilaalinta midnimada bulshada, deganaanshaha siyaasadeed iyo in aan laga faa’iideysan marxaladda aan ku jirno. Sidaas darteed, shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta, ma aqbalayno in lagu qabto gobolka,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hub lagu daabulayo Puntland si loogu Carqaladeeyo, taasi ayuu sheegay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo laga qorayo deegaanada ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo loogu tala galay in ay khalalaase ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ku tumatay dastuurka dalka, nidaamka federaalka iyo dhibaato ay ku hayso maamul goboleedyada.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles