Tuesday, May 19, 2026

Guddoomiye Muungaab oo saraakiisha iyo maaliyada kala hadlay furista wadooyin xiran

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo furi lahaa waddooyinka degmada Shangaani ee ku xirmay dhagaxyada laga ilaaliyo xarumaha Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si dhowaan dib-u-dhis loogu sameeyo.

Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo taliyaasha qeybaha Gobolka Banaadir ee Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu lafa-guray sidii amniga Xarumaha dowladda loo ilaalin lahaa, sidoo kalane loo furi lahaa waddooyinka xiran si dib loogu dhiso oo shacabku u helaan jidad ay maraan.

Guddoomiye Muungaab iyo mas’uuliyiinta kale ayaa isku afgartay in la furo waddooyinka xiran si dib loogu hawlgaliyo, waxaana kulanka lagu meelmariyay qorshe amni oo uu Maamulka Gobolka Banaadir soo bandhigay, kaas oo suurtogalinaya in waddooyinka xiran la hawlgaliyo oo dib loo dhiso iyadoo amniga xarumaha muhiimka ah ee goobta ka dhawna la ilaalinayo.

Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu ku guuleystay dhagax-dhigga mashaariic lagu dhisayo waddooyin badan, kuwaas oo qaarkood muddo dheer u xirnaa burbur iyo dhagaxyo lagu jaray dartood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa...

DFS oo la safatay Sacuudiga, kana hadashay weerarkii lagu qaaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay isku...

Maxaa Ka Jira Khilaafka u Dhexeeya Maxkamadda Sare iyo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya?

Waxaa cirka isku shareeray jahwareerka siyaasadeed ee hareeyay Dowlad...

Golaha wasiirada oo isku raaci waayay dhaqan gelinta Dastuurka ay ansixisay DFS

Golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay yeeshay kulan deg-deg ah,...

Beesha Caalamka iyo Mucaaradka oo Xalane ku kulmaya

Xubnaha Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles