Saturday, June 14, 2025

Puntland oo heshay Aqoonsiga Sacuudiyan ka tirsanaa Daacish

Aqoonsiyada xubno Ajaaniib ah oo ka tirsan Daacish, ayaa laga helay qaar kamid ah Talisyada iyo goobaha kale ee lagala wareegay kooxda oo ku yaalla buuraha Cal miskaat ee gobolka Bari

Ragga aqoonsiga la helay waxaa ku jiraan nin u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo magaciisa la yiraahdo Al howshaami.

Ninkan waa 21 jir sida ku xusan baasaboorkiisa waxaa uu ka soo degay Addis ababa 18kii Disembar ee sanadkii hore isagoo safar dhulka ah oo ku galay buuraleyda gobolka Bari halkaasoo uu kaga biiray Daacish.

Sidoo kale ninkan ayaa watay kaarka lacagta lagula baxo ee VISA CARD iyo dokumentiyo kale.

Ciidamada Puntland oo kaashanaya dayuuradaha dagaalka Mareykanka ayaa maalmahan howlgal culus ka wada buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari kaasoo ujeedkiisu in goobahaas looga sifeeyo xoogaga Daacish oo fariisimo ku leh aagagaas.

Puntland ayaa guulo la taaban karo ka gaartay howlgalka oo muddo dheer laga soo shaqeynayey inkastoo weli hogaanka iyo saraakisha sare ee kooxda Daacish ay ka ka dagaalamayaan qeybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles