Wednesday, March 4, 2026

Puntland oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay Nin lagu dilay Hargeysa

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee (PISA) oo warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa beenisay warar ku saabsan in ay ka danbaysay dilka muwaaddin Reer Somaliland ah oo ku dhintay magaalada Hargeysa.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayuu u qornaa Warsaxaafeedka ka soo baxay Hay’adda PISA.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland, waxay caddaysay in aysan ka shaqayn khaarijinta iyo dilalka qorshaysan, kaddib markii baraha bulshada uu ku faafay war been-abuur ah oo sheegaya in PISA dishay marxuun Axmed Caddib oo ku dhintay magaalada Hargeysa, islamarkaana aan faahfaahin laga bixin sababta geeridiisa.

“Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles