Wednesday, March 4, 2026

Puntland oo qabatay markab hub siday oo marayay xeebaha G/Bari

Markabkan ayaa la sheegay inuu sido shixnad hub oo baaxad leh, kuna jirto gaadiid dagaal oo gaashaaman, beebayaal casri ah oo aan horey loogu arag Geeska Afrika, iyo agabyo milatari oo tiro iyo tayo leh.

Hubkan dhammaantiis ayaa leh calaamadaha dowladda Turkiga, waxaana la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda markabkan waxaa gacanta ku haya cutubka ciidamada badda ee PMPF (Puntland Maritime Police Force), kuwaas oo si degan u wadaan baaritaan la xiriira ujeeddada rasmiga ah ee shixnaddan hubka ah.

Guddoomiyaha gobolka Raascaseyr, Mudane Cumar Cismaan Siciid, oo lahadlay warbaahinta ayaa si cad u xaqiijiyey qabashada markabka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli xiriirka milatari ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu marayo heer sare, iyadoo Turkigu uu bixiyo tababarka ciidamada, qalabkooda, iyo taageero dhanka sirdoonka ah.

Si kastaba, qabashada markab siday hub culus oo aan la ogeyn faahfaahinta buuxda waxay sare u qaaday su’aalo badan oo ku saabsan maaraynta iyo isku xirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles