Saturday, February 21, 2026

Puntland oo Qorshe adag ka dejisay Aanooyinka Qabiilka ee Gobolka Mudug

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu qorshe adag ka dejiyay joojinta aanooyinka qabiilka ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka.

Guddoomiye Jifo-jabsade ayaa sheegay in dhawaan gobolka la keeni doono ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ka howlgelaya sidii loo joojin lahaa dilalka iyo dagaallada aargoosiga ah ee salka ku haya qabiilka.

Wuxuu intaas ku daray in magaalada Gaalkacyo laga mamnuuci doono qof qori wata, isla markaana qofkii dil geysta la horkeeni doono cadaaladda, isagoo xusay in arrintan ay saxiixeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka.

“Waxaa imanaysa xilli qof kor u hadli kara uusan jirin, waxaa imanaysa xilli qof qori wata uusan jirin. Ciidamadaas markay yimaadaan baan dadka isbaranaynaa,” ayuu yiri guddoomiye Jifo-jabsade.

Isagoo sii hadlayey ayuu carabka ku dhuftay in la joojin doono dhaqanka ah in lagu garab istaago qof dambi dil ah, isagoo yiri:

“Wiil tuug ah oo qof dilay in tallaagad la gashado sax maaha, mana aqbalayno, cidii gashatana waa la xiri doonaa.”

Mudug ayaa ka mid ah gobollada Puntland ee inta badan ay ka dhacaan aanooyin qabiil, waxaana hadalka guddoomiyaha uu kusoo beegmayaa iyadoo Gaalkacyo ay bilihii u dambeeyay ka jireen dilal isdaba joog ah oo salka ku haya aargoosi beeleed.

WARARKII KALE

Baarlamaanka oo maanta ka bilaabay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta...

Xiisad dagaal oo ka soo cusboonaatay xuduuda Itoobiya iyo Eritrea

Xiisad amni oo sii kordheysa ayaa laga dareemayaa waqooyiga...

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa maanta shir ku...

WFP”Gargaar cunto oo malaayiin Soomaali ah badbaadiya halis ayuu ku jiraa”

Hay’adda World Food Programme (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa...

Trump oo ka horyimid go’aanka maxkamada sare ee Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles