Tuesday, September 2, 2025

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga Baallade, oo ku yaalla Koonfur Bari magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyo adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka  lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan argagixisada, iyadoo ciidamadu weli ku daba jiraan firxad ka baxsaday goobihii hawlgalku ka dhacay. “Firxadkii argagixisada ayaa hadba god laga saaraya, waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexaysa dharinta Carabi iyo Kal-Idaad ee ku yaalla togga Baallade, waxaana uu socday in ka badan 12 saacadood.

Dhanka kale, ciidamo kale oo ka tirsan Puntland ayaa hawlgal ka sameeyay ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dileen xubno kale oo Daacish ah oo ka soo firxaday Baallade, iyaga oo gacanta ku dhigay ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn oo laga nadiifiyay argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Soomaaliya oo laga cafiyay deymaha 75% oo ay ku laheyd Ururka Jaamacada Carabta

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles