Wednesday, March 4, 2026

Puntland oo sheegtay in Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen G/Bari

War ka soo baxay taliska howlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa waxaa lagu faahfaahiyay duqeymaha lagu garaacay saldhigyo kooxda Daacish ay ku leeyihiin buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.

Duqeynta ayaa laga fuliyay togga Miraale iyo nawaaxigiisa, waxaana qoraalka lagu sheegay in halkaasi lagu laayay firxadkii mileeshiyaadka Daacish.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kuwaasi oo qeyb ka qaadanayaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish.

Wejiga saddexaad ee hawlgalka dagaalka Calmiskaad oo muddooyinkii dambe socday ayaa haatan maraya marxalad dhammaystir ah, siday sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada difaaca Puntland oo dhawaan warbaahinta la hadlay.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles