Tuesday, March 3, 2026

Puntland oo wada qorshe cusub oo ay ku xoojineyso amniga magaalada Garoowe

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu adkeynayo ammaanka magaalada Garoowe, kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay falal amni darro ay kusoo badanayeen caasimadda maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa sheegay in magaalada la geyn doono ciidan cusub oo gaar ah, kuwaas oo si toos ah u bilaabi doona howlgal lagu hub ka dhiginayo dhammaan dadka hubka ku dhex wata magaalada.

Ciidanka ayaa sidoo kale xooga saari doona la dagaallanka kooxaha ku lugta leh khamriga iyo xashiishka, kuwaas oo waayadii dambe si cad ugu muuqday magaalada, taas oo keentay walaac weyn oo bulshada dhexdeeda ah.

Sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka, ciidankan cusub waxaa loogu talagalay in ay wax ka qabtaan falalka amni darrada ee kusoo batay Garoowe, isla markaana ay xaqiijiyaan in caasimadda Puntland noqoto meel amni ah oo ka madax bannaan hubka sharci darrada ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles