Wednesday, December 24, 2025

Puntland oo walaac ka muujisay in gargaarka lagu xiro kaarka aqoonsiga DFS

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid qorshe ay sheegtay in lagu doonayo in gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro isticmaalka kaarka aqoonsiga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland (MoHADM), arrintan waxay qeyb ka tahay wada-hadallo ay yeesheen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Puntland waxay sheegtay in qorshahani uu yahay mid liddi ku ah mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo iyo madax-bannaanida dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada. War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in isku day kasta oo lagu doonayo in dadka barakacayaasha ah lagu diiwaangeliyo qaab amaba nidaam dowladda federaalka ka imaanaya, uu yahay mid aan la aqbali Karin, waxaa ayna ka soo saartay qodobadan:-

 

  1. In aan gargaarka loo adeegsan siyaasad – Gargaarka waa in uu ahaadaa mid ku saleysan baahi, kana madax bannaan dano siyaasadeed.
  2. In la ilaaliyo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada – Puntland waxay sheegtay in isku day kasta oo la isku dayo in lagu hoos geeyo awoodaha Federaalka uu yahay mid khilaafsan Dastuurka KMG ah.
  3. In deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ay door ka qaataan ilaalinta mabaadi’da gargaarka – Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaar bixiya in aysan ogolaan in gargaarka loo maro waddooyin siyaasadaysan.

Wasaaradda Gargaarka Puntland waxay si cad ugu baaqday hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta daahfurnaanta gargaarka. Waxay ku celisay inay diyaar u tahay wada shaqeyn furan iyo ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo aan faragelin lagu sameyn nidaamyada ay Puntland mas’uulka ka tahay.

AKHRISO WARQADA KA SOO BAXDAY PUNTLAND.

WARARKII KALE

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta...

DFS oo bilowday in ay ciidamo dhigto wadooyinka Muqdisho, si loo sugo ammaanka doorashooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta billowday daabulidda ciidamo isugu...

Golaha Ammaanka ee Q.M oo muddo kordhin u sameeyay AUSSOM, iyo xiritaan xafiiska Q.M

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in...

Taliyihii ciidanka Liibiya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Turkiga

Janaraal Maxamed Cali Axmed al-Xaddaad iyo afar qof oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles