Tuesday, May 13, 2025

Maxaa ka soo kordhay dagaalka Wargaadhi iyo Xog dheeri ah

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo saaka ka dhacay degaanka istaraatiijiga ah ee Wargaadhi ee gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo ay saldhigyo muhiim ah ku leeyihiin Ciidanka Xoogga, siiba kuwa Danab.

Weerar culus oo saaka waaberigii ay kooxda Al Shabaab ka soo qaadeen dhowr jiho ayaa sababay dagaal xooggan oo muddo saacado ah socday.

Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degaanka Wargaadhi oo qasaare xoog leh ay gaarsiisay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar oo La sheegay inuu hoggaaminayey ayey Warbaahinta Dowladda kasoo xiagtay in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay si buuxda u jebiyeen kooxda Al Shabaab, isla markaana ay gacanta ku hayaan guud ahaan deegaanka Wargaadhi.

Alshabaab ayaa la xaqiijiyay inay weerarkii hore ee saaka gudaha u galeen qeybo ka mida Wargaadhi, isla markaana ay gubeen xarumaha qaarkood; balse Xogta laga helay ayaa sheegeysa in dagaal culus oo rogaal celin ah ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, dibna ula wareegeen degaanka Wargaadhi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay duqeyn dhinaca cirka ah lagu qaaday Shabaabkii soo weerraray Wargaadhi. Meydad badan ayaa lasoo weriyay inay magaalada iyo daafaheeda lagu arkay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa qoraal kooban uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Khawaarijta maydkooda ayaa daadsan Wargaadhi”

Deegaanka Wargaadhi oo ku yaalla dhanka xeebta gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ah goob istiraatiiji ah oo ay saldhigyo iyo garoon ciidan ku leeyihiin guutooyinka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo door weyn ku lahaa difaaca deegaanka maanta.

Qabshadaha Alshabaab ee Wargaadhi ayaa halis ku ahayd jidka xeebta iyo isu socka Muqdisho ilaa Xarardheere iyo sidoo kale degaanada Nuur Dule iyo Caddaan-laxey oo ka mida degaanada ay gacanta ku hayaan dadka degaanka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles