Thursday, July 2, 2026

Puntland oo walaac ka muujisay in gargaarka lagu xiro kaarka aqoonsiga DFS

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid qorshe ay sheegtay in lagu doonayo in gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro isticmaalka kaarka aqoonsiga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland (MoHADM), arrintan waxay qeyb ka tahay wada-hadallo ay yeesheen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Puntland waxay sheegtay in qorshahani uu yahay mid liddi ku ah mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo iyo madax-bannaanida dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada. War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in isku day kasta oo lagu doonayo in dadka barakacayaasha ah lagu diiwaangeliyo qaab amaba nidaam dowladda federaalka ka imaanaya, uu yahay mid aan la aqbali Karin, waxaa ayna ka soo saartay qodobadan:-

 

  1. In aan gargaarka loo adeegsan siyaasad – Gargaarka waa in uu ahaadaa mid ku saleysan baahi, kana madax bannaan dano siyaasadeed.
  2. In la ilaaliyo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada – Puntland waxay sheegtay in isku day kasta oo la isku dayo in lagu hoos geeyo awoodaha Federaalka uu yahay mid khilaafsan Dastuurka KMG ah.
  3. In deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ay door ka qaataan ilaalinta mabaadi’da gargaarka – Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaar bixiya in aysan ogolaan in gargaarka loo maro waddooyin siyaasadaysan.

Wasaaradda Gargaarka Puntland waxay si cad ugu baaqday hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta daahfurnaanta gargaarka. Waxay ku celisay inay diyaar u tahay wada shaqeyn furan iyo ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo aan faragelin lagu sameyn nidaamyada ay Puntland mas’uulka ka tahay.

AKHRISO WARQADA KA SOO BAXDAY PUNTLAND.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles