Q.M oo bisha soo socota jareysa gargaar muhiim u ahaa dadka nugul ee Soomaaliyeed

Hay’adda QM ee Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqday inay jarayso kaalmooyinka cunnada ee boqollaal kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada iyo heerar daran oo gaajo ah, sida ay ku warrantay wakaaalada warrarka ee AP.

WFP ayaa sheegay in tirada dadka helaya gargaar degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan bisha Agoosto ilaa 350,000 bisha Nofeembar, sababo la xiriira “xaalado aad u darran oo dhanka maalgelinta ah.”

“Waxaan arkeynaa koror khatar ah oo ku yimid heerarka degdegga ah ee gaajada, awooddeena aan uga jawaabno arrintan ayaana si maalinle ah u yaraanaysa,” ayuu yiri Ross Smith, agaasimaha hay’adda WFP u qaabilsan diyaarinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

Wuxuu intaa raaciyay in haddii aysan helin maalgelin deg deg ah ay qosysaska horreyba u tag darnaa ay hadda yihiin ugu ugu darran, xilli ay yihiin kuwa ugu baahida badan.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya heerar adag oo gaajo ah, waxaana la saadaalinayaa in 1.8 milyan oo carruur ah ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sannadkan. Qaar carruurtaas ka mid ah, oo dhan 421,000 ayaa wajahayaan nafaqo-darro halis ah, halka hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ay kaliya ku guuleysatay inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.

Soomaaliya waxay la tacaaleysaa kaliya maaha saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaar iyo fatahaado, balse sidoo kale colaado iyo amni darro muddo tobanaan sano ah dalka ka jiray. Kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah dalka.

Yaraynta gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa uga sii daray jawaabtii hay’adaha bini’aadantinimo ee horeyba uga u dareemay dhibaato culus si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya ee dadka nugul.

Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan si uu “u sii wado ugu yaraan hawlgallada badbaadinta nolosha ee loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilli adag ilaa bisha Maarso 2026.”

WFP ayaa ka mida hay’addaha Qaramada Midoobay ee la dhibaatoonayey dhaqaale la,aanta darran ka dib markii dowlado badan oo Maraykanku ka mid yahay ay dhimeen kaalmadii dhaqaale ee ay ku bixin jireen arrimaha gargaarka gaar ahaana dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan ee Afrika.

Soomaaliya oo ka mida dalalka dadkooda nugul si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka hay’addahu bixiyaan ayaa sanadihii dembe la kulmayey jaris ama dhimis gargaarka ah ka dib markii dowladdo badan oo caawin jiray hay’addahaas ay joojiyeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles