DFS oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Godka Jilicow iyo raggii weeraray oo la toogtay

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab shalay Galab ay ku qaadeen Xabsiga Godka Jilicow oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Weerarka oo markii hore ku bilowday qaraxyo xooggan ayaa kadib xigay dagaal toos u dhexeeyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasi oo socday muddo 7 saacadood.

Toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay gudaha xabsiga Godka Jilicow, kuwaas oo ahaa kooxdii weerarka soo qaaday, Ciidamada ammaanka ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay soo afjaraan dagaalka, iyagoo dilay dhammaan maleeshiyaadkii weerarka ku lug lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay War Saxaafadeed ayaa xaqiijisay la dilay dhammaan todobaddii xubnood ee ka tirsanaa maleeshiyadda kooxda Al-Shabaab ee soo weerartay xabsiga godka Jilacoow ee Magaaladda Muqdisho.

Qoraalka dowladda, ayaa lagu xusay in ragga ay si sahlan uga soo gudbeen baraha Kontorool ee magaalada maadama ay wateen darees, iyo gaadiid u eg midka dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay badbaadiyaan maxaabiistii ku xirnayd gudaha xabsiga Godka Jilicow.

Inta la xaqiijiyay, askar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka dad rayid ahna ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rasaasta iyo qaraxyadii dhacay, inkastoo weli tiro koob ah sax laga helin weerarka.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay dhaawacyo badan oo ay ku jiraan shacab iyo askar.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo sheegay in ay beegsadeen shir ay xabsiga Godka Jilicow ku lahaayeen saraakiil iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha ammaanka.

Ma cadda sida ugu fududaatay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday dib u furista waddooyin badan oo horey sababo amni darteed loo xiray gudaha caasimadda Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles