Q.M oo ku baaqay in Deni iyo Axmed Madoobe loo ogolaado inay yimaadaan Muqdisho

War uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS ayaa si xooggan ugu dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan qabsoomidda madasha wadahadalka ee horey la isugu raacay.

War-saxafadeed kooban oo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya loo baahan yahay in ay gaaraan is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobada kale ee qaran ka hor dhammaadka muddo-xileedka dastuuriga ah ee soo socda.

UNTMIS waxay si dad ban u sheegeen in ay ka xun yihiin in wakiillo horudhac ah oo ka socday Puntland iyo Jubbaland laga celiyay garoonka Muqdisho, taasoo ay sheegeen in ay keeni karto in ay shirka imaan waayaan sababo la xiriira sharuudaha dowladdu ku xirtay.

Sidoo kale, UNTMIS waxay ku boorisay in si degdeg ah loo dhammeeyo shaqada diyaarinta ee kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ay sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi ku habboon qabsoomidda wadahadalka iyo gaarista heshiis.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles