Sunday, November 2, 2025

Qaramada Midoobay oo cambaareysay waxa ka socda Sudan

Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in saameynta dagaalku ku yeeshay dadka rayidka ah ay tahay mid naxdin leh, iyadoo loogu baaqay xubnaha golaha in ay masuuliyadda dilalka sharciga ka baxsan iyo xarigga aan sababta lahayn lagula xisaabtamo ciidamada RSf.

Tom Fletcher, oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha ammaanka u sheegay in RSF ay u sheegeen in ay dad xireen, isagoo intaa ku daray in iyadoo “haween iyo gabdho la kufsanayo, dadna la dhaawacayo ama la dilayo muuqaallo laga duubay.”

Fletcher ayaa yiri, “Inkasta oo aynaan maqal qaylada, haddana marka aynu maanta halkan fadhinno, argagaxu wuu sii socdaa,” isagoo sharaxay in “tobanaan kun oo qof oo cabsi iyo gaajo la ildaran ay yihiin kuwo baxsad ah ama ka xeeladaysanaya meelaha ay dagaalladu saameeyeen.”

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee dalka Suudaan ee la yidhaahdo (RSF), ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in cisbitaal ku yaalla magaalada la yidhaahdo El-Fasher ee waqooyiga Darfur ay ku dileen in ka badan afar boqol oo qof.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in shacabka ay ka carareen magaalada, islamarahaantaana, aanay jirin isbitaallo shaqeynayay markii RSF ay la wareegtay magaalada usbuucii hore

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweynaha hirshabelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasarada arrimaha gudaha

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein aya ayaa...

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF ee dalka Suudaan

In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay...

Madaxweyne xasan sheikh oo gaaray dalka masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Maxkamada Racfaanka Galgaduud oo qaadaysa kiiskii rag lagu eedeeyay dilka Hooyo iyo Caruurteeda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles