Qarax xoogan oo ka dhacay caasimadda gumaystaha Yahuuda ee Tel Aviv

Qarax xoogan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Tel Aviv, Israel, subaxnimadii hore ee maanta, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ay ku yaallaan dukaamo, maqaayado, iyo xarumo ganacsi, taas oo keentay in dad badan ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu qaraxu dhacay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo ka baxsan goobta uu ka dhacay. Ciidamada booliska iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howlgallo lagu badbaadinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah ee ambalaasta iyo dab-demiska.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka uu sababay dhimashada hal qof oo ka dhacay dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Ciidamada amniga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si ay u ogaadaan sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysa. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Ra’iisul wasaaraha Gumaystaha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay fal argagixiso oo arxan darro ah. Wuxuu ballanqaaday in dowladdu ay sameyn doonto wax walba oo ay ku xaqiijin karto nabadda iyo amniga Israel.

Weerarkan ayaa imanaya xilli xaaladda amni ee gobolka ay kacsan tahay, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo colaado u dhexeeya Israel iyo Mujaahidinta degaannada Falastiin oo dhulkooda difaacanaaya.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles