Ciidamada Nabad sugida ee DFS , kuwa deegaanka iyo Ciidamada Koofur Galbeed ee ka howl gala deegaanka Number Konton ayaa maanta waxay gacanta ku dhigaan miinooyin ay Al-shabaab u wadeen caasimadda dalka.
Howlgalkaas waxaa jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo laga hortagay khatar weyn oo ay shacabka u geysan lahaayeen.
Dowladda Soomaaliya iyo Koofur Galbeed ayaa Mahadcelin iyo bogaadin u dirtay Ciidamada Amniga ee qabtaybqaraxyadan.
Qaraxyadan la qabtay ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya adkeysay amniga caasimadda Muqdisho oo maalmaha soo socda la filayo in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.


