Wednesday, January 14, 2026

Qaraxyo lagu weeraray Maraakiib uu leeyahay Ruushka oo marayay Xeebaha Turkiga

Hay’adaha badda ee Turkiga ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen laba markab oo ah nooca saliidda xambaara oo ku sii jeeday dalka Ruushka, kuwaas oo dab ka kacay kadib qaraxyo ka dhacay. Mid ka mid ah maraakiibtan wuxuu ku safrayay waqooyiga Biyogga Bosphorus markii qaraxu dhacay.

Markabka labaad waxaa la sheegay inuu marayay bariga badda Madow markii qaraxu uu isna haleelay.

Hay’aduhu waxay sheegayaan in maraakiibtaan laga yaabo in lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan. Labadaba waxay ku jiraan liiska maraakiibta cunaqabataynta lagu soo rogay kadib markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022-ka.

Shaqaalaha labada markab saarnaa waa la badbaadiyay, sida wararku sheegayaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah maraakiibta uu weli dab ka holcayo. Dowladda Turkiga ayaa u gurmatay iyadoo weli howshu ay socoto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles