Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay hoggaaminayaan olole caalami ah oo dib-u-dhis loogu sameynayo Suuriya, si loo xoojiyo dowlad-dhis cusub iyo horumar waara.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dowladood ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay, Mareykanka, iyo dalal kale oo Yurub ah ay diyaar u yihiin in laga qaado cunaqabateyntii muddada dheer saarneyd Suuriya, si loo siiyo fursad dowlad uu hoggaaminayo Axmed Sharac.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Sacuudiga iyo Qatar horay u balanqaadeen inay bixinayaan deymaha lagu leeyahay dawladda Suuriya, taasoo qayb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo Suuriya saaxadda caalamka, kadib in ka badan 11 sano oo dagaallo sokeeye ah.