Tuesday, August 18, 2026

Ciidamada ammaanka oo xeebaha Galmudug ku qabtay Doon laga leeyahay Dalka Yemen

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maamulka Galmudug ayaa howlgallo amni oo qorsheysan ku qabtay dooni kalluumeysi sharci-darro ah ka wadday xeebaha gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Afbarwaaqo.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Amniga Xeebaha Mudug, Dugul Cabdi Miciin, ayaa lagu soo qabtay doonidan oo laga leeyahay dalka Yemen, iyadoo la sheegay in ay si sharci-darro ah uga kalluumeysaneysay biyaha Soomaaliya xilli aysan haysan wax oggolaansho ah.

Taliyaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay muddo la socdeen dhaqdhaqaaqa doonidaas, islamarkaana la helay xog caddeyneysa falalka sharci-darrada ah ee lagu hayay kheyraadka badda Soomaaliyeed.

“Ma aqbali doonno in dalal shisheeye si sharci-darro ah uga faa’iideystaan xeebaha Galmudug. Ciidamadeennu waa heegan,” ayuu yiri Taliye Dugul Cabdi Miciin.

Doonida la qabtay ayaa hadda lagu hayaa baaritaan, iyadoo laga filayo in lala wadaago hay’adaha garsoorka iyo kuwa ilaalinta deegaanka si go’aan sharci ah looga gaaro.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay wadaan doonyaha ajaanibta ah — gaar ahaan kuwa ka yimaada Yemen, Iran, iyo dhowr dal oo kale — ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u saameeyay nolosha kalluumeysatada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles